Puntland oo markale ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa markale ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland, xilli uu socdo waan-waan ay wado beesha caalamka oo ku qaboojinayo colaadda Tukaraq ee u dhaxeysa labada maamul.

Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa maanta Shir jaraa'id ku qabtey magaalada Garoowe, halkaasi oo uga dhawaaqeen in Puntland qadayso dagaal lagu xireynayo deegaanada Somaliland awoodda military ku qabsatay, oo Tuulada Tukaraq ugu horeyso.

Wasiirka Warfaafiinta Puntland, Abdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in Puntland ay Somaliland dhowr jeer ugu baaqday inay dib ugu noqoto degaanada aysan laheyn ee ay kala wareegtay, balse aysan qaadan baaqaasi.

"Waxaan leenahay dowladda Muuse Biixi ee Jeegaanta ah, haddaad wadahadal dooneysaan waa inaad kulaabataan dhulkii aad degaanka u lahaydeen, waa inaad ku laabataan dhulkii isirkiina iyo dadkiinu deganaa, laakiin ma jirto cid wadahadal lagala galayo Sool iyo Sanaag," ayuu yiri Qarjab.

Wuxuu beeniyay Wasiirka warar ay warbaahintu baahiyeen maalmihii lasoo dhaafay, oo sheegaya in Puntland ay heshiis hordhac ah kala gashay Somaliland colaadda Turakaq, halkaasi oo xiisad ay ka jirtay tan iyo bishii January ee 2018.

Qarjab ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax wadahdal ah oo labada dhinac dhex maray iyo wax heshiis ah oo ay kala saxiixdeen, isagoo dhanka kale xusay inay Puntland aysan aqbalynin wadahadal inta Somaliland ku sugan tahay Sool iyo Sanaag.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Tima-Cadde oo xubin ka ah gudiga ayaa dhaar ku maray inuu dagaal uu dhacayo, hadii aysan Somaliland ka bixin dhulka Puntland, waxaana shacabka uu ugu baaqay inay dagaal u diyaar garobaan.

Colaadda gobolka Sool ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland lagu wado inay ka dhacaan doorashooyin 2019, waxaana siyaasiyiin iyo musharaxiin badan ka digeen dib u dhac dhanka doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM