Mugdi soo dhex-galay xiriirkii maamulka Somaliland iyo Jabuuti

Image
Hadalo xanaf leh ayay labada dhinac warbaahinta isku-mariyeen dhowrkii maalmood lasoo dhaafay.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muusa Dawaale, ayaa beeniyey eedeynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku aadan in Jabuuti ay martigelineyso Jabhad ka dhan ah Somaliland.

Wasiirku waxa uu soo dhigay X (Twitter-kii hore) Isniintii in Djibouti ay waligeed ahaan doonto iftiinka wada-hadallada gobolka, ee aanay ahaan doonin meel lagu kala qaybiyo gobolka.

“Annaga oo ka xun eedaymo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ka imanaya madaxda Somaliland, Jabuuti waa meel wada-jirka iyo is-dhex-galka gobol ah, waxay udub dhexaad u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, ma aha dhinaca kale, aynu si cad u caddayno, mar walba waxaynu ahaan doonnaa ifka gobolka. Wada hadal, ma aha meel lagu kala qaybiyo gobolku, waxaanu qiimaynaa mabaadi'da wadajirka, mar walbana aan ka fogaanno arrimaha gudaha ee jaarka ah," ayuu raaciyay.

Dawaleh ayaa u soo jeediyay masuuliyiinta Somaliland in aanay Jabuuti ku darin siyaasadooda gudaha iyo ololaha doorashada. "Maskaxda ku hay, shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland ku taageernay Gobolka SSC," ayuu xusay.

Xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ayaa xumaaday tan iyo markii ay Somaliland iyo Itoobiya heshiis is-afgarad ah kala saxeexdeen, taasoo u ogolaatay Itoobiya marin badeed iyo saldhig ciidan oo ay ku beddelato aqoonsiga Somaliland. Jabuuti waxay heshiiskaas u aragtay khatar dhaqaale.

Inkasta oo Dawaleh uu beeniyey eedaha Somaliland, haddana waxa dalka Jabuuti ku sugan madaxda ururka Awdal State ee ASM iyo hogaamiyahooda ugu sarreeya.

Habeenimadii Axadda ayay halkaas xaflad ku qabteen. Dhaqdhaqaaqan ayaa ka soo horjeeda maamulka Somaliland oo u ololeeya midnimada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalka magaalada Ankara kaga furmay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaboojin doonta khilaafka dublamaasiyadeed, kaasoo ay fududaynayso dowladda Turkiga ee saameynta raadinaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM