Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya — Puntland ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 uu ka dhacay badda, meel qiyaastii 145 kiiloomitir u jirta xeebaha degmada Caluula ee gobolka Bari, iyadoo aan gariirka laga dareemin dhulka.

Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Giriin, ayaa sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo xaaladda dhulgariirka iyo dhaqdhaqaaqa badda, maadaama laga cabsi qabo saameyn ka dhalan karta haddii xaaladdu ku sii fido dhanka xeebaha.

Puntland oo sheegtay in dhulgariir ka dhacay xeebaha Caluula uu sababay khasaare soo gaaray doonyo kalluumeysi

“Dhulgariirkaas waa jiraa, cabbirkiisuna wuxuu gaarayaa lix. Waxaan si dhow ula soconnaa xogaha ku saabsan dhulgariirka,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaa hadda aan la helin warar ku saabsan khasaare weyn oo soo gaaray dadka ku nool deegaannada xeebaha, balse ay jiraan laba doonyood iyo qalab kalluumeysi oo ku burburay aagga u dhow Caluula.

Cabdinaasir ayaa sheegay in xaaladda badda ay meelaha qaar kacsan tahay, halka qaybo kalena ay deggan yihiin. Wuxuu sheegay in digniin loo diray kalluumeysatada, lagana codsaday inay ka fogaadaan badda dhowr maalmood inta la qiimeynayo xaaladda.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

Si kastaba, dad ku jiray badda ayaa sheegay inay dareemeen dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo badda ah, halka doon ka timid Yemen oo ku wajahneyd Caluula ay xaalad adag gashay ka hor inta aysan si nabad ah ugu soo xiran xeebta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kiiska MV LUTUF ma wuxuu albaab u furay faragelinta quwadaha shisheeye ee arrimaha Soomaaliya?

Wasaaradda Amniga Puntland ayaa 21-kii Agoosto cambaareysay weerarrada…..

  • Puntland

    30-08-2026

  • 05:37AM

Deni oo Ka Digay Qorshe Shisheeye oo Looga Faa’iidaysanayo Burcad-badeedda Soomaaliya

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeedda.

  • Puntland

    28-08-2026

  • 07:06PM