Aadan Barre oo digniin kasoo saarey dhimista ciidanka ATMIS

Image
ATMIS oo lagu badalay AMISOM sanadkii hore bishii April ayaa waqtigeeda lagu wadaa inuu ku ekaado December 2024.

NAIROBI, Kenya - Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada ATMIS ayaa doonaya in si wadajir ah ay askarta uga baxaan Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan waarida guulaha amni oo la gaaray.

Aadan Ducaale, oo ah wasiirka Difaaca Kenya, ayaa ka digay in dhimista ATMIS aysan noqon mid isku-dheelatiran waxaana uu adkeeyay in haddii sidaas la sameyn aysan kaliya saameyn amniga Soomaaliya balse kan gobolka ay waxyeeleyso.

"Waa mas'uuliyaddayada, sidaas darteed, inaan xaqiijinno nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolkayaga si aan u gaarno barwaaqada dhaqaale ee aadka loo doonayo," ayuu yiri Ducaale.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa martigeliyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (Atmis).

Hogaamiyeyaasha oo shirkooda ku adkeeyay ahmiyada soo afjarida howlgalka ATMIS ayaa waxay codsadeen in la kordhiyo taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo kala guur sax ah.

ATMIS oo lagu badalay AMISOM sanadkii hore bishii April ayaa waqtigeeda lagu wadaa inuu ku ekaado December 2024, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu riixay dhimista ciidamada laga bilaabo December 2022 ilaa June 2023.

AU-da ayaa waxay qireen "horumarka Muqdisho ay ka sameysay halbeegyada muhiimka ah ee lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2662".

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo sanadkii 1993-dii markaasoo ay awooda waddanka badankiisa gacanta ugu jirtay hogaamiye kooxeedyadii.

Cunaqabataynta ayaa markii hore lagu bartilmaameedsaday hogaamiye kooxeedyo balse waxaa la bedelay sanadihii dambe si diirada loo saaro argagixisada. Xukuumada Muqdisho waxay doonaysaa gacan xor ah oo ay hubka uga soo iibsato suuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM