Abiy Axmed: Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray magaaladda Godey

Image
Illaa haatan, si dhab ah looma ogga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka wafdigan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa saaka gaaray magaaladda Godey ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar).

Iyadoo aan weli si rasmi ah loo cadeyn ujeedada socdaalka Abiy Axmed, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Gobolkaasi Dowladda Itoobiya. 

Wararka ayaa sheegaya in dib loo dayactiray saldhigyadii ciidamada cirka, waxaana goobta la geeyay gurmadyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM