Abiy oo qiray in wali uu dagaal ka socdo gobolk Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada militariga Itoobiya ayaa waqti xaadirkan dagaal jabhadeysan "oo adag oo daal badan" waxay ka waddaan gobolka waqooyiga ku yaala ee Tigreega, sida uu qiray ra'iisul wasaare Abiy Ahmed.

Dhawaqiisa ayaa waxay calaamad u noqon kartaa jab xoog leh oo horey loo wariyey in uu ka dhashay hawlgallada millatari ee la bilaabay Nofembar kaasoo la filayey in uu si dhaqso ah kusoo afjarmi doono guulana laga gaari karo.

Abiy oo ka hadlaya Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega (TPLF), wuxuu yiri "Jabhaddii aan ka tirtirnay saddex toddobaad gudahood hadda waxay isu rogtay hab dhuumaaleysi ah, oo ku milmay beeraleyda, waxayna bilaabeen inay u dhaqaaqaan hadba meeshii ay u socdaan".

Wuxuu intaas ku daraya: "Hadda, ma awoodno inaan ku baabi'inno saddex bilood gudahood".

"In la tirtiro cadow muuqda oo la tirtiro cadow ku dhuumaaleysanaya kuna shaqeynaya iyada oo lala midoobo kuwa kale isku mid maahan. Waa mid aad u adag oo daal badan," ayuu ka dhawaajiyey.

Ciidamada Federaalka ayaa u dhaqaaqay Tigray bishii Nofeembar iyagoo ujeedkoodu ahaa "soo celinta xukunka sharciga" waxaana ay guulo horudhac ah ka sheegteen gulufka ka dhanka ah TPLF, oo ah xisbigii siyaasadeed ee markaas gacanta ku hayay gobolka, kadib weeraradii lama filaanka ahaa ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada federaalka.

Howlgalka ayaa lagu dhawaaqay inuu guulaystay markii hogaanka TPLF ay faarujiyeen magaaladii ay ku xooganaayeen ee Mekelle, caasimada gobolka, waxaana la dhisay maamul ku meel gaadh ah oo daacada u ah Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM