Abiy oo Shacabka Tigray u Sheegay Inay Email ku Codeeyaan Kadib Khilaaf Siyaasadeed

Image

GO – Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Arbacadii ugu baaqay shacabka gobolka Tigray inay si email ah u soo gudbiyaan magacyada musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee gobolka, kadib markii uu si muran leh xilkaas looga qaaday Getachew Reda – oo loo arkayay nin astaan u ah heshiiskii nabadeed ee xabbad joojinta dhaliyay sanadkii hore.

Baaqan ayaa daba socday khudbad uu dhowaan ka jeediyay baarlamaanka, taas oo uu ku muujiyay in maamul ku-meel-gaar ah uu sii hoggaamin doono Tigray ilaa doorasho guud laga qabto Itoobiya. Abiy ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo xasilloonida iyo habraaca dowladnimada, xilli xiisad siyaasadeed ay cirka isku shareertay gudaha TPLF.

Getachew Reda, oo loo magacaabay madaxweynaha KMG ah ee Tigray sanadkii hore kadib heshiiskii nabadeed ee Addis Ababa, ayaa lagu soo waramayaa inuu muddo laba toddobaad ah ku sugan yahay caasimadda kadib markii koox ka mid ah TPLF ay si rasmi ah xilka uga xayuubiyeen. Ilaa hadda, dowladdu si rasmi ah ugama aysan hadlin xaaladdiisa, inkasta oo maamulka dhexe aanu aqoonsan isbedelkaas ay ku dhawaaqeen garabka Debretsion Gebremichael.

Khilaafka ka dhex aloosan hogaanka sare ee TPLF ayaa si cad u soo ifbaxay bishii Agoosto ee sanadkii hore, markaas oo shir ballaaran oo xisbiga ah lagu qabtay Mekelle iyadoo aan lagu casuumin Getachew Reda. Waxaa markaas soo shaac baxay labo garab oo si buuxda u kala qaybsan: mid taageersan Getachew, iyo mid kale oo ay hoggaaminayaan taageerayaasha Debretsion – oo ah siyaasi si weyn looga yaqaan Tigray islamarkaana hoggaaminayay TPLF muddo dheer.

Bishii la soo dhaafay, garabka Debretsion ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan Tigray, taasoo sii xoojisay kala fogaanshaha siyaasadeed. Tallaabadaas ayaa horseeday in Getachew laga eryo xilkii uu hayay, waxaana arrintaasi dhalisay khilaaf cusub oo aan weli xalka loo helin.

Getachew ayaa tan iyo markaas  codsadey faragelin ka timaadda dowladda dhexe, isaga oo ku eedeeyay Eritrea inay taageereyso garabka Debretsion – eedeymo uu si cad u beeniyay xafiiska Debretsion. Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada deegaanka qaar ay taageersan yihiin garabyo kala duwan, taasoo halis gelin karta geeddi-socodkii nabadeed ee laga gaaray dagaalkii laba sano socday.

Isku dayga Abiy ee ah in shacabka Tigray si dadban uga qeyb qaataan doorashada hogaanka KMG ah, ayaa loo arkaa dadaal uu ku xasilinayo xaaladda gobolka, inkasta oo dad badan ay shaki ka muujiyeen in habka email-ka uu noqon karo mid lagu helo kalsooni guud ama matalaad dhab ah.

Dowladda Federaalka ilaa hadda ma caddeyn waqtiga la magacaabi doono madaxweynaha KMG ah ee cusub, balse ilo xukuumadeed ayaa sheegaya in Abiy uu doonayo in musharraxa la xulo uu noqdo mid lagu heshiiyo oo ka fog garabyada is haysta.

Garowe Online – Addis Ababa

Related Articles

QM oo Digniin Dirtay Kadib Xiritaanka Madaxweyne Ku-xigeenka Koonfurta Suudaan

Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS)…

  • Afrika

    27-03-2025

  • 09:39AM

Isku Shaandhaynta uu Ruto Sameeyey: Maxaa Sababay Xilligaan Xasaasiga ah?

Waxaa si cad loogu arkay magacaabista Dr. Caroline Karugu, oo si dhow ula safnayd…

  • Afrika

    27-03-2025

  • 02:30AM