Afrika oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Image

NIGER - Warar soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan militariga gaarka ah ee Ruushka "Wagner" ay ku sugan yihiin caasimadda Niger Niamey, ujeedaduna tahay in taageero militari ay u fidiyaan madaxda afgambiga Niger.

Shabakada "LSI Africa" ayaa cadeysey Sabtidii, in ay jiraan tababaryaal ka socda kooxda "Wagner" kuwaas oo haatan jooga Niamey.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Wagner ay ka taageeri doono madaxda afgambiga dhanka saadka si ay u xoojiyaan maamuulkooda.

Wararka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in cutub weyn oo Ruush ah oo ku qalabaysan hub casri ah, ay soo gaareen Mali habeenkii Jimcaha, si markii dambe loogu daabulo xuduudka Niger, soo sheegay saxafiga u dhow madaxda Mali Abdul Niang.

Sida laga soo xigtay ilaha ammaanka, waxaa jiri doona unug wadajir ah oo u dhexeeya Mali iyo Ruusahka kuwaas oo diyaar u ah inay soo farageliyaan xiisada ka taagan Niger, haddii ay dhacdo in Urur Goboleedka ECOWAS ay qaadaan tallaabo militari oo ka dhan ah madaxda afgambiga.

Ilo-wareedka ayaa laga soo xigtay: "24-ka saacadood ee soo socda waxay noqon doonaan kuwo go'aamin doona mustaqbalka Galbeedka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM