Ajaaniib dooneysay in ay ku biirto Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Image
Jimcihii ayaa qorshuhu ahaa in maxkamad lasoo taago si dacwad loogu soo oogo.

NAIROBI, Kenya - Lix qof oo ajaaniib ah ayaa lagu xiray ismaamula Gaarisa xilli ay doonayeen in ay u jiheystaan xuduudka dalalka Kenya iyo Soomaaliya, sidda ay warisay warbaahinta.

Shaqsiyaadka ayaa, sidda laga soo xigtey Taliska Booliska, waxa ay ku wajahnaayeen Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Markii su'aalo la weeydiiyay, lixdu waxay qirteen inay u socdeen inay ku biiraan al-Shabaab ka dib markii ay qorteen oo ay fududeeyeen maamulayaashooda oo ka kala yimid Tanzania iyo Uganda.

Saraakiisha ammaanka oo ay soo xigatay warbaahinta ayaa tibaaxay in xogta dadkan ay heleen laamaha nabad-gelyadda xilli ay howlgal roondo ah ka wadeen xaafadaha Gaarisa.

Jimcihii ayaa qorshuhu ahaa in maxkamad lasoo taago si dacwad loogu soo oogo hase ahaatee waxaa dib loogu dhigay sababo ku aadan dabagalka iyo qiimeynta kiiskooda.

Xarigan waxa uu imanayaa wax yar laba toddobaad ka dib markii mar kale la xiray saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma.

Eedeysaneyaashan ayaa lagu qabtay aagga Korakora ee ismaamulka Garissa ka dib markii ay dadweynuhu laamaha ammaanka kusoo wargeliyeen joogitaankooda aagga ayna shaki ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM