Al-Shabaab oo "burburisay" xafiisyo dhowaan la dhisay

Image

NAIROBI, Kenya – Xafiisyo boolis oo dhowaan laga dhisay aaga Borehole 11, degaan doorashadda Mandera South ee ismaamulka Mandra ayaa habeenimadii Isniinta waxaa "lagu burburiyey weerar loo adeegsaday qarax".

Taliska Booliska Kenya oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in dhismaha lagu dhisay maalgelin ay sameysay Hay'adda maxaliga ah ee CDF.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo ka howlgasha aagaas ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Ma jirto waxyeelo nafeed oo ka dhashay falkaas, sidda ay soo wariyeen mas'uuliyiinta iyo dadka degaanka oo tegay goobta ay wax ka dhaceen.

Iyadda oo bartilmaameedka uu yahay anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta, shaqaalaha aan degaanka u dhalan iyo mas'uuliyiinta dowladda, Al-Shabaab ayaa aalab falal noocaan ah ka fulisa gobolka waqooyi bari Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli dhowaan Taliska Booliska Kenya uu ka dhawaajiyey in dagaalameyaal Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 40 kasoo talaabeen xuduudka Soomaaliya ayna qorsheynayaan weeraro xoogan.

Al-Shabaab ayaa khatar ku ah nabad-gelyada Kenya tan iyo markii xukuumadda Nairobi ay kusoo biirtay howlgalka AMSIOM, waxaana ay waddankaas ka fulisay weeraro dhiig badan ku qaatay oo qaar ka dhaceen caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM