Aljeeriya oo Faransiiska ka dalbatay in uu qirto dambiyada gumaysiga

Image
Madaxweynaha waddanka Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa hadalkan si rasmi ah ugu dhawaaqay.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha waddanka Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa Axaddii shalay jeediyay dhaleeceyn xooggan oo ka dhan ahayd Faransiiska oo ku saabsan saamaynta uu gumaysigu ku leeyahay dalkiisa.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu khudbad ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka oo uu shacabka u jeediyay khudbad uu ku soo bandhigay wax qabadkiisii ​​ugu horreeyay ee madaxweynenimo ee 2019-2024.

Tebboune ayaa sidoo kale wuxuu faahfaahiyay ajandaha uu ku doonayo in xilka uu u qabto mar labaad oo soo billowday bishii September, sida uu ku soo warramayo wariyaha Anadolu.

Tebboune wuxuu sheegay in dadka Aljeeriya ay dalbanayaan in Faransiisku qirto dambiyadii uu galay xilligii gumeysiga ee u dhexeeyay 1830-1962, isagoo ku nuux-nuuxsaday in waddanku uusan raadineyn wax magdhow ah.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli xiisad siyaasadeed oo aad u ba’an ay ka dhex aloosantay dalalka Aljeeriya iyo Faransiiska, taasoo keentay in safiirkii Aljeeriya uu ka baxo dalkaas, loona yeero safiirkii Faransiiska.

Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaa arrintan u sababeeyay “falalka cadawtinimo ee ay sirdoonka shisheeye ee Faransiisku ka geysteen dhulka Aljeeriya”.

Tebboune waxa kale oo uu xasuusiyay xasuuqii ay gaysteen ciidamada gumaystaha Faransiiska, gaar ahaan intii uu hogaaminayay General Thomas Robert Bugeaud, gudoomiyihii guud ee Aljeeriya intii u dhaxaysay 1841-1847.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM