Amiirka Al-Shabaab u talaabay Kenya oo "la aqoonsaday"
NAIROBI, Kenya – Tobaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u tallaabay dhinaca waddanka Kenya, taasoo cabsi ku abuurtay dadka deggan gobollada Amuma iyo Hemey ee ismaamulka Gaarisa.
Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa inta badan weerarada la beegsada saraakiisha amaanka iyo kuwa aan Soomaalida aheyn. Booliska ayaa heegan buuxa ugu jira sidii ay ula tacaali lahaayeen dhacdooyinkaas.
Ilo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay Daily Star in hogaamiyaha dagaalyahanada, Mawliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Sedahgoseh ee Soomaaliya, uu ka khudbeeyay masaajid maxalli ah oo ku yaal Degathe wuxuuna wacad ku maray inuu u sii gudbi doono qeybaha kala ee Kenya si uu isugu dubarido weerarada lagu qaadayo dadka reer Kenya.
Xogtu ayaa intaas waxay ku dareysaa in Xuseen uu ka khudbeeyay Masaajidka maalintii Sabtidii ee todobaadkan.
Illaa 40 dagaalyahan oo ku hubeysnaa AK-47, seddex qori oo PKM ah iyo todobo bambaanooyin ayaa dhowr xabo hawada ku tuuray ka hor inta aysan Talaadadii ugu kala gudbin xuduudka saddex koox.
Sida laga soo xigtay warbixinnada bilayska, koox ayaa adeegsatay waddada Hamey, mid kale Amuma kan saddexaadna waxay sii mareen Homojo.
Booliska ayaa rumeysan in kooxahaasi laga yaabo in mar horeba loo qoondeeyay bartilmaameedyo ay ka mid yihiin anteenooyinka, xeryaha baaritaanka iyo in waxyaabaha qarxa lagu aaso waddooyinka. "Koox kale waxay noqon kartaa khiyaano lagu mashquuliyo saraakiisha deegaanka".
"Shaqaalaha amniga waxaa lagu boorinayaa inay feejignaan ka muujiyaan aagaggooda ay ka howlgalayaan maadaama ay jirto suurtagalnimo tilmaamaysa weerarro lagu qaado shaqaalaha amniga iyo dhismayaasha ku teedsan xadka," ayaa lagu yiri warbixinta taliska booliska.
Rono Bunei, taliyaha booliska ismaamulka Gaarisa, ayaa sheegay in ay xoojinayaan howlgaladda si ay u baajiyeen suurtaglnimo kasta oo maleyshiyada hubeysan ku fulin karto weeraro xoogan.
Gobolka sohdinta dhaca ayaa waxaa soo maray weerarada soo noqnoqda ee kaga yimd xagjiriinta gacansaarka la leh Al-Qaacida.
Sarkaal amni oo ku sugan deegaanka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri "badanaa waxay burburiyaan anteenooyinka si ay u carqaladeeyaan isgaarsiinta ka hor weerarka weyn ee ay qorsheysteen."
"Aaggu wuxuu ku dhow yahay xadka Soomaaliya xagjiriintuna sida caadiga ah way gudbaan si ay weerarka u fuliyaan ka hor inta aysan dib uga baxsan," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.
Maleyshiyada Al Shabaab weerar ka fulineysa goobo ka tirsan gobolka gaar ahaan Mandheera iyo Garissa markii ay wiiqeen hay'adaha ammaanka. Tiro badan oo rayid ah iyo saraakiisha amniga ayaa ku naf-waayey weeraradaas, halka tirro kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen.
Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya u joogaan in ay baacsadaan oo ay cadaadiyaan dagaalameyaashan hubeysan, balse waxaa muuqaneysa in uusan wali miradhalin dedaaladooda waqtiguna gabaabsi yahay.
GAROWE ONLINE