Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya
NAIROBI – Shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay iska horimaad ay la galeen maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida ay sheegeen booliska Kenya.
Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya, kaddib markii koox roondo ah oo ka tirsan ciidamada ammaanka ay isku dhaceen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Booliska Kenya ayaa warbixin ku sheegay in kooxda roondada ah ee ka tirsan SOG Alungu ay la kulmeen dagaalyahannada Al-Shabaab xilli ay ku sugnaayeen aagga guud ee Wantey Dam duhurnimadii Talaadada.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baacsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ciidamo gurmad ah oo loo diray goobta lagu weeraray qarax miino oo ay ku rakibeen wadada, kaas oo burburiyay gaari gaashaaman. Si kastaba, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi.
Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya muddo sannado ah, ayaa doonaysa inay meesha ka saarto nidaamka dowladda islamarkaana ay ka hirgeliso Soomaaliya maamul ku saleysan fasiraad adag oo ay ka bixiso shareecada Islaamka.
Kooxda ayaa si joogto ah weerarro uga fulisa Soomaaliya iyo deegaannada xuduudda Kenya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado ciidamada ammaanka iyo shacabka rayidka ah. Booliska Kenya ayaa bishii Janaayo sheegay in Al-Shabaab ay dileen madax deegaan iyo macallin ka dhacay gobolka deriska la ah ee Garissa.
GAROWE ONLINE