Burcad-badeed afduubatay markab ay saaran yihiin 16 shaqaale ah

Image
Markabkan qaada shidaalka oo laga leeyahay Denmark ayaa ku safrayay calanka dalka Liberia.

NAIROBI, Kenya - Markab laga leeyahay dalka Denmark ayaa kooxo burcad badeed ah waxa ay ka afduubteen gacanka Guinea gaar ahaan meel u dhow xeebta Congo-Brazzaville, sidda ay warisay saxaafadda.

Shirkadda maamusha maraakiibta ayaa sheegtay in 16-ka shaqaalaha markabka ay magangalyo ku haystaan qol ammaan ah oo ku dhex-yaalla markabka Monjasa Reformer.

Xoogag hubeysan ayaa Sabtidii bilaabay inay weeraraan markabka saliida iyo kiimikalka qaada oo wata calanka Liberia, xilli ay in ka badan 100km (62 mayl) dhanka galbeed kaga beegan tahay dekedda Pointe-Noire.

Maraakiibta shisheeye ee isaga kala goosha badda Congo-Brazzaville ayaa kordhiyay roondooyinka labadii sano ee u dambeeyay ka dib markii ay soo bateen weerarada burcad badeeda.

Illaa haatan, ma jirto wax war ah oo ku saabsan qafaalashada markabka oo kasoo baxay dhinaca kooxda hubeysan wallow aysan waliba jirin koox si rasmi ah u sheegatay afduubkan.

Inta badan kooxaha afduubta maraakiibta ayaa waxay dalbadaan lacag madax-furasho ah oo ay kusii daayaan gabi ahaanba markabka iyo howlwadeenadda kale ee saaran.

Danmark - oo ah waddan fure u ah warshadaha maraakiibta caalamiga ah - ayaa maraakiibta geysay gacanka Guinea 2021 waxayna la baxday sannadkii hore ka dib markii Ruushku weeraray dalka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM