Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah
Ouagadougou, Burkina Faso – Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in laga dhaafay dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah lacagaha fiisaha, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo badeecadaha gudaha dalkaas.
"Inta laga bilaabo hadda, muwaadin kasta oo kasoo jeeda dal Afrikaan ah oo doonaya inuu yimaado Burkina Faso ma bixin doono wax lacag ah oo ku saabsan fiisaha," ayuu yiri Wasiirka Amniga Mahamadou Sana, kaddib kulan golaha wasiirrada oo uu guddoominayay hoggaamiyaha militariga ah, Kaptan Ibrahim Traoré, maalintii Khamiista.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirku wuxuu caddeeyay in booqdayaasha Afrikaanka ah ay weli ku waajib tahay inay gudbiyaan codsi fiise online ah oo la eegayo ka hor inta aan la oggolaanin.
Burkina Faso ayaa sidaas ku biirtay wadamo kale oo Afrikaan ah sida Ghana, Rwanda iyo Kenya kuwaasoo fududeeyay shuruudaha safarka ee dadka kasoo jeeda qaaradda Afrika.
Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso iyaga oo aan u baahnayn fiise, hase yeeshee arrintaasi waxay isbedeli kartaa kadib markii Burkina Faso, Mali, iyo Niger – oo dhammaantood uu ka jiro xukun militari – ay si rasmi ah uga baxeen ururkaas.
Kaptan Ibrahim Traoré, oo ah hoggaamiye dhalinyaro ah oo xukunka la wareegay afgambi dhacay 2022, ayaa isu arka difaace Pan-Africanism-ka, isagoo inta badan dhaliila Reer Galbeedka iyo gumeysigii taariikhiga ahaa.
Traoré waxaa qaaradda Afrika laga jecel yahay, gaar ahaan dhalinyarada, sababtoo ah hoggaankiisa hadal haynta leh, inkastoo sumcaddiisa ay sidoo kale ka faa’iideysteen baraha bulshada oo ay ku baahsan yihiin qoraallo marin habaabin ah oo sawir u sameynaya inuu yahay halyey kacaan.
Si kastaba, Traoré sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu hoggaan kali-talis ah yeeshay, inuu caburiyo dadka aragtida ka duwan, iyo inuu si liidata u maareeyay dagaalka ka dhanka ah fallaagada Islaamiga ah ee ka jirta dalka.
Burkina Faso, oo ay la mid yihiin deriskeeda Saaxil sida Mali iyo Niger, waxay wajahayaan weerarro joogto ah oo uga imanaya kooxo jihaadi ah, waxaana qiyaastii 40% dhulka dalka gacanta ku haya kooxahaas hubeysan.
Inkasta oo dowladda milateriga ah ee Traoré ay ballan qaaday inay xoojineyso amniga isla markaana ay raadineyso iskaashi cusub oo ay la yeelato Ruushka, xaaladda dalka weli waa mid aad u xun oo ay ka dhacaan weerarro joogto ah.
Bayaanka kasoo baxay hay’adda warfaafinta xukuumadda militariga ayaa sheegay in ka-laabashada lacagaha fiisaha ay muujineyso sida ay uga go’an tahay fikirka Pan-Africanism-ka iyo mideynta gobolka.
"Habkan cusub ee fiisaha bilaashka ah wuxuu sidoo kale kor u qaadi doonaa dalxiiska, dhaqanka Burkinabe, wuxuuna sare u qaadi doonaa muuqaalka Burkina Faso ee caalamka," ayaa lagu daray.
Sanadihii u dambeeyay, dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa isku dayay inay fududeeyaan safarka dadka qaaradda kasoo jeeda, maadaama daraasado muujinayaan in ay mararka qaar sahlan tahay in qof reer Galbeed ah uu u safro dal Afrikaan ah, marka loo eego qof Afrikaan ah.
Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale hormuud u ah dadaallada lagu fududeynayo isku socodka gudaha qaaradda.
Horaantii sanadkan, Ghana waxay sheegtay in muwaadiniinta haysta baasaboorka Afrikaanka ah aysan u baahnayn fiise si ay u booqdaan dalkaas.
Sanadkii hore, Kenya waxay hirgelisay nidaam “fiise la’aan” ah oo waajibinaya in dadka dalxiisayaasha ah ay online uga codsadaan oggolaansho safar kahor inta aysan kasoo bixin dalkooda.
Rwanda-na, sidoo kale, uma baahna fiise qofka Afrikaanka ah ee doonaya inuu booqdo.
GAROWE ONLINE