Burkina Faso: In ka badan 30 askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Dalka ku yaal galbeedka Afrika ayaa diiwaan geliyay 1,135 dhimasho oo loo aanaynayo argagixisada sanadkii 2022.

NAIROBI, Kenya - Dabley aan la aqoonsan ayaa 42 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Burkina Faso ku dilay weerar gaadmo ah oo Axaddii todobaadkan ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska milatariga ayaa waxaa lagu sheegay in la beegsaday xarun ay ku sugnaayeen maleeshiyaad mutadawiciin ah oo ku yaalla degmada Yatenga.

Toban askari iyo 32 maleeshiyaad mutadawiciin ah ayaa naftooda ku waayey iska horimaadka. "Wadarta 33 qof ayaa ku dhaawacantay ugu yaraan 50 argagixsadana waa laga takhalusay," ayuu xusay taliska.

Burkina Faso ayaa weli waxaa hareeyay amni darro iyo weeraro argagixiso oo soo laab-laabtey, taasoo ay ugu wacan tahay colaadda ka oogan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 44 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay laba weerar oo argagixiso oo ka dhacay waqooyiga Burkina Faso gaar ahaan gobolka Saaxil.

Milateriga Burkina Faso ayaa qaatay go'aan u ogolaanaya dowladda inay adeegsato "dhammaan siyaabaha lagama maarmaanka ah" iyo "abaabulka guud" si loola dagaallamo weeraradda.

Kabtan Ibrahim Traore oo ah hogaamiyihii millatariga ee ku meel gaarka ahaa ayaa qorsheeyey in uu dib u qabsado 40% dhulka ay ka taliyaan kooxaha muqaawamada.

Dalka ku yaal galbeedka Afrika ayaa diiwaan geliyay 1,135 dhimasho oo loo aanaynayo argagixisada sanadkii 2022, taasoo ah koror 50% marka la barbar dhigo 2021, sidda ku xusan 2023 Global Terrorism Index.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM