Burkina Faso: Ku dhowaad 31 askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Saddex meelood meel dalkan ayaa waqti-xaadirkan aan ku jirin gacanta dawladda milatariga ah.

NAIROBI, Kenya - Weerar lagu qaaday xero ciidan oo ku taal bariga Burkina Faso ayaa lagu dilay 33 askari 12 kalena waa lagu dhaawacay. Waa rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ku yaal galbeedka Afrika.

"Askarta duulaanka gaadmada ah lagu go'doomiyay ayaa dilay ugu yaraan 40 argagixiso ah Khamiista ka hor inta aysan soo gaarin ciidamo xoojin ah," ayay ciidamadu ku sheegeen bayaan.

Weerarkan ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan militariga oo ku sugnaa magaalada Ougarou ee gobolka Est. Ciidamada Burkina Faso ayaa la dagaallamayay fallaagada tan iyo 2015-kii.

In ka badan 10,000 oo rayid ah iyo xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa dhintay, sida lagu sheegay tirokoob qiyaas ah, halka ugu yaraan laba milyan oo qof ay ka carareen guryahoodii.

Rabshadaha socda ayaa caro ka dhex dhaliyay ciidamada dhexdooda, taasoo sii hurisay laba afgambi sanadkii hore oo horseeday in hogaamiyaha hadda, Captain Ibrahim Traore, uu talada yimaado bishii September.

Waxa uu ballan qaaday in uu dib u qabsan doono dhulkii lumay, balse weerarrada ka dhanka ah ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah ayaa sii xumaaday tan iyo bilowgii sanadkan, oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Saddex meelood meel dalka ayaa ka baxsan gacanta dawladda. Traore ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay qorshe ku saabsan in doorasho lagu hirgelinayo nidaam dawladeed oo rayid ah lagu qabto sanadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM