Xaalada hogaanka mucaaradka Itoobiya oo laga deyriyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Walaac ku geedaaman caafimaadka hogaamiyeyaal siyaasadeed oo ku xiran Itoobiya ayaa isa-soo-taraya ka gedaal markii ay laba todobaad ka soomeen cuntadda xilli gobolka Oromada ee ay kasoo jeedeen uu ka bilowdey olole la doonayo in lagu sii daayo madaxdan mucaaradka ah.

Jawar Maxamed iyo Bekele Gerba oo xubno sar-sarre ka ah Golaha heer federal ee qowmiyadda Oromadda ayaa kamid ah 20 shaqsi oo wajahayey eedeymo argagaxisanimo iyo xasilooni daro sanadkii hore sababay dilka fanaan caan ahaa oo kasoo jeeda qowmiyadooda laguna toogtay caasimada Addis Ababa.

Bekele, Jawar iyo xubnaha kale ayaa dhamaadkii Janaayo bilaabay in ay ka soomaan cuntadda. Talaabadaas waxaa lagu waramay in ay uga jawaabayeen beegsi lagu bilaabay banaanbaxayaasha iyo xariga xubnaha qoysaskooda.

"Afar ayaga kamid ah way miyir-beeleen waxaana loo qaadey isbitaal," ayuu yiri Ibsa Gemeda, mid kamid ah qareenada eedeysaneyaasha oo u waramay telefishinka Al Jazeera. "Qaarka kale ma karaan hadal ama dhaqdhaqaaq".

Sidda laga soo xigtay qareenka, Jawar wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka xabsiga ku jira ee la tabar-beelay cuno ka soomida, waxaana tan iyo markii uu bilaabay in uusan raashiinq aadan kusii kordhay xanuun dhinaca kuliyaha ah.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa todobaadkii hore wuxuu sheegay in uu kormeeray eedeysaneyaasha xaqiijiyeyna in ay cuntadda ka soomeen.

Todobaadkii hore, waxaa dib loo dhigay dhageysiga maxkamad loo balansanaa in ay kasoo muuqdaan eedeysaneyaasha sababo ku aadan in aysan ka qeybgeli karin dhamaantooda "maadaama ay hoos u dhac ku yimid difaaca jirkooda".

Dib-u-dhaca dhageysiga maxkamadeyntaas ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaageysaa xilli magaalooyin ay kamid yihiin Ambo iyo Dire Dawa ay ka bilowdeen mudaaharaadyo in lagu dalbanayo in xabsiga laga soo daayo hogaamiyeyashan mucaaradkan. Ciidanka waxaa la sheegay in ay rasaas nool adeegsadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM