Cabsida laga qabo in faragelinta militari ee Niger ay yeelan karto saameyn xun

Image

ABUJA, Nigeria - Shir-madaxeedkii degdega ahaa ee Ururka ECOWAS oo ka dhacay maanta magaalada Abuja ayaa looga hadlay afgambigii dhawaan ka dhacay dalka Niger.

Madaxda ECOWAS ayaa ansixiyay faragelinta militari ee Niger “sida ugu dhaqsiyaha badan”, si meesha looga saaro taliyayaasheeda militariga ka dib afgambigii bishii hore, Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa sidaas sheegay Khamiistii shalay.

“Taliyeyaasha Ciidanka waxay yeelan doonaan shirar kale oo ay uga hadlayaan sidii howlgalku uu si dhaqso ah ugu billaaban lahaa” ayuu yiri Ouattara oo ka hadlayay shir madaxeedka ECOWAS ee degdegga ah.

Shir-madaxeedkan ayaa looga hadlay mas’uuliyadda ka saaran madaxda badbaadinta madaxweyne Maxamed Bazoum oo xukunka laga tuuray 26-kii July, waxaana lagu xaqiijiyey in ECOWAS ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatada Niger.

Ururka ECOWAS ayaa sidoo kale ku dhawaaqay abaabulka "ciidamada kaydka" si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee Niger.

ECOWAS ayaa cambaareysay afgambiga iyo xariga sharci darrada ah ee lagula kacay madaxweyne Bazoum, iyagoo mas’uuliyadda ammaankiisa dusha ka saaray madaxdii afgambiga sameeyay.

Waxaana shirka lagu soo gabagabeeyey fariin adag oo lagu taageerayo in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada taagan iyadoo la ilaalinayo mabaadi'da dimoqraadiyadda ee gobolka.

In kasta oo ECOWAS ay Khamiistii amar ku bixisay in la hawlgeliyo ciidamadeeda heeganka u ah afgambiga Niger, haddana dad badan oo indha indheeya ayaa sheegaya in faragelin milateri oo dalkaas lagu sameeyo aanay ahayn waddadii hore loo mari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM