Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Image
Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin Kenyan ah oo lagu eedeeyay inuu diyaarinayay weerar lamid ah dhacdadii 9/11 ee Mareykanka ayaa ku tababbarayay duuliyaha ganacsiga ee Filibiin markii qorshihiisa la hakiyay, dacwad oogaha federaalka ayaa Talaadadii u sheegay xeerbeegtida New York.

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Jon Bodansky ayaa u sheegay xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan Manhattan in Cholo Abdi Abdullah uu qorsheeyay weerarka afar sano kahor isla markaana uu xubin ka yahay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.


Waxa uu sheegay in Abdullah uu ku dhawaaday in uu dhamaysto tababarkiisii ​​duuliyaha ahaa ee labada sano ahaa markii lagu xiray July 2019 gudaha Filibiin eedaymo maxalli ah.

Waxaa loo wareejiyay Diisambar 2020 mas'uuliyiinta fulinta sharciga ee Mareykanka, kuwaas oo  ku soo oogay dambiyo la xiriira argagixisanimo.

Abdullah waxa uu qaatay tababar ku saabsan walxaha qarxa iyo sida sirta looga shaqeeyo loogana fogaado in la ogaado ka hor inta uusan u dhaqaaqin Filibiin 2017 si uu u bilaabo tababar adag oo la xiriira shatiga duuliyaha ganacsiga, ayuu yiri dacwad oogaha.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sannadkii 2008-dii u aqoonsatay Al-shabaab, oo macneheedu yahay "dhallinyarada" marka loo eego afka Carabiga, inay yihiin urur argagixiso oo ajnabi ah.

Kooxdan xagjirka ah waa urur taabacsan al-Qaacida oo u halgamay sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa dawlad Islaami ah oo ku salaysan shareecada Islaamka. Hadii lagu helo danbiga, Abdullah waxa uu wajihi doonaa ugu yaraan 20 sano oo xarig ah. Maxkamadeyntiisa ayaa la filayaa inay socoto saddex toddobaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM