Ciidamada Gabon oo ku dhawaaqay hogaamiyaha ka talin doono dalka

Image

LIBREVILLE, Gabon - Taliska Militariga ee Gabon la wareegay ayaa fiidnimadii ku dhawaaqay magaca hogaamiyihii dalka Madaxweyne ka noqon lahaa inta lagu jiro xilliga kala guurka, kadib afgambigii xukunka looga tuuray madaxweyne Bongo.

Saraakiisha militariga ayaa ku sheegay war laga sii daayay telefishinka qaranka Gabon in ciidamada milatariga ay u magacaabeen Brice Olegy Nguema inuu noqdo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

Ku dhawaaqistan ayaan ahayn mid la yaab leh, waxaana la filayay in Ngima uu la wareego talada dalka, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambiga ka dhanka ahaa Madaxweyne Bongo.

Warbaahinta dalka Gabon ayaa hore u baahisay warar horudhac ah oo lagu sheegay in maanta ay isugu imaanayaan Jeneraalada ku sugan dalka Gabon si ay u go’aamiyaan cidda hogaamin doonta marxaladda KMG ah kadib afgambiga.

Brice Olegy Nguema waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ciidamada Gabon, waxaana uu ahaa taliyaha ilaalada Madaxtooyada tan iyo 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM