Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Image

GOMA — Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ee Congo ayaa Arbacadi shalay sheegay, in ku dhawaad 3,000 oo qof lagu dilay dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Goma ee bariga dalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay fallaagada ay taageerto Rwanda ee M23 iyo ciidanka millatariga Congo. Waxana uu marki hore ka billowday hareeraha Goma oo ku taalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu.

Vivian van de Perre, ku xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan aragga sheegtay, in xubnaha Qaramada Midoobay ee Goma ay si firfircoon uga caawinayaan M23, soo ururinta meydadka wali yaalla waddooyinka.

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay tageero buuxdo siiso jabhadda M23 , hase yeeshee Rwanda ayaa ku gacan seyrtay arrintaasi.

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM