Daadad ay ku dhinteen kumanaan

Image

TRIPOLI, Liibya - Dalka Liibiya Daadad ayaa ku rogmaday gobolo dalkaas kamid ah iyada oo ay ku dhinteen in ka badan 600 qof sida ay ku dhawaaqday wasaarada Arimaha gudaha Dalkaas.

Wasaarada Caafimaadka xukuumada Libya ayaa iyaduna sheegtay in ay Aaseen in ka badan 2000 kun oo qof balse meydad-ka qaar aan wali la gaarin.

Magaalada Derna oo ah mida daadadku ay sida ugu adag u saameeyeen ayaa waxaa la rumeysan in kumanaan ay go'doon yihiin.

Dowlada ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda la la'yahay in ka badan toban kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM