Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale
BAMAKO, Abriil 25 — Kooxo hubeysan ayaa weerarro culus ku qaaday meelo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Mali ee Bamako iyo magaalooyin kale, weerarradaas oo loo arko kuwo si isku dubbaridan loo fuliyay.
Ciidanka Mali ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in “kooxo hubeysan oo argagixiso ah oo aan la aqoonsan” ay bartilmaameedsadeen goobo gaar ah iyo xeryo ciidan oo ku yaalla Bamako, iyagoo intaa ku daray in askartu ay ku howlan yihiin “ciribtirka weeraryahannada.”
Bayaan dambe oo kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in xaaladda hadda la xakameeyay.
Dagaallo ayaa laga soo sheegay gudaha iyo hareeraha Bamako, iyo sidoo kale magaalooyinka waqooyi ee Gao iyo Kidal, halka magaalada bartamaha dalka ku taalla ee Sevare ay iyaduna ka mid tahay meelaha uu dagaalku ka socdo.
Rasaas culus ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada Kati oo u dhow Bamako, halkaas oo ay ku taallo saldhigga ugu weyn ee milatariga Mali. Hoggaamiyaha dowladda milatariga Mali, General Assimi Goita, ayaa sidoo kale deggen magaaladaas.
Afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa gooni-goosadka Azawad ee ay hoggaamiyaan qowmiyadda Tuareg ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kidal iyo qaybo ka mid ah Gao.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.
Mali ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xaalado amni oo aad u cakiran, iyadoo ay dalkaasi ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda, kooxaha fallaagada iyo ururrada hubeysan ee xiriirka la leh kooxaha xagjirka ah.
GAROWE ONLINE