Dabley looga shakiyey AS oo dishay darawal u shaqeynayay dowladda Kenya

Image
Darawalka ayaa magaciisa lagu sheegay Affey Saman isaga oo waday labo qof rakaab ah.

NAIROBI, Kenya - Mid ka mid ah darawallada dowladda Kenya ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii lagu dilay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxaa dilkiisa geystay rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kadibna ay kaxeysteen gaari uu watay oo u baxsaday dhanka xadka Soomaaliya.

Weerarka ayaa dhacay abaare 3:00 galabnimo deegaanka Kamoor oo u dhow Mandheera. Darawalka oo magaciisa lagu sheegay Affey Saman, ayaa labo qof oo rakaab ah ku waday gaari Land Cruiser ah oo ay dowladdu leedahay oo loo xilsaaray guddoomiye ku xigeenka degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Markii kooxda dilka geysatay ay rasaas fureen, haweeney rakaab ah ayaa waxaa u suurtagashay in ay ka cararto gaariga oo ka booday gaariga oo socday.

Dableyda dilka geysatay ayaa meydka Saman uga tagay goobta, waxayna ka qaadeen gaariga, iyagoo ku sii jeeday dhanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Henry Ochako ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu sheegay in ciidamada amaanka ay bilaabeen howlgalo lagu soo furtay gaarigii la dhacay islamarkaana gacanta lagu soo dhigay kooxihii weerarka soo qaaday.

"Xaaladda ammaanka Mandheera weli waa mid aan la saadaalin karin," ayuu yiri Ochako, isagoo shaqaalaha dowladda ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan marka ay isticmaalayaan gaadiidka rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM