Dabley tobban arday ka afduubatay dugsi ay dowladda maamusho

Image
Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyaddan. Ciidamada amniga ayaa bilaabay howlgallo guri-guri ah.

ABUJA, Nigeria - Ugu yaraan 10 arday ayaa kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan waxay ku afduubteen waqooyiga dalka ugu dadka badan Afrika ee Nigeria, sida uu sheegay sarkaal Talaadadii.

Ardayda Dugsiga Sare ee Dowladda ee ku yaalla gobolka Kaduna ayaa la qafaashay Isniintii iyadoo xaaladdu aysan caddayn, sida uu sheegay Samuel Aruwan, oo ah guddoomiyaha amniga gudaha ee gobolka.

Afduubyo lagu raadinayo lacago madax-furasho ah ayaa inta badan waxaa laga soo sheegaa Kaduna, oo ah gobol ay ku caan baxeen kooxo dambiilayaal ah oo dhowr ah.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyaddan. Balse, kooxda Boko Haram ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa horey waxay qafaalatay arday u badan gabdho wallow aysan madax furasho dalban.

Inta badan kooxaha dalbada madax-furashada ayaa waxay u badan yihiin dambiileyaasha ka ganacsada dadka iyo mukhaadaraadka kuwaasoo dowladda Nigeria ay ku fashilantey in ay la tacaasho.

War qoraal ah oo uu soo saaray Aruwan ayuu ku sheegay in aan si dhab ah loo ogaan halka ay wax ka dhaceen iyo goobta lagu hayo ardayda isaga oo ehelkooda ka codsadey in ay is-dajiyaan.

"Waxaa socda baaritaan lagu caddeynayo in ardayda laga soo afduubtay dhismaha iskuulka iyo in kale," ayuu yiri sarkaalka oo intaas ku daray in ciidamada amniga ay bilaabeen howlgal ay ku baacsanayaan dableyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM