Dad aad u badan oo ku dhintay Itoobiya iyo kuwa la baadi-goobayo

Image

Dhul Go' ka dhashay roob xooggan oo ka da’ay deegaan fog oo ka tirsan koonfurta Itoobiya ayaa dilay ugu yaraan 230 qof. Saraakiisha ayaa sheegay in dadka intooda badan ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadkii dhoobo ku soo rogmatay.

Ra'iisul wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay "khasaare aad u xun." Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta qof ee ilaa hadda aan meelna laga hayn.

Mar sii horreysay, Waaxda Arrimaha Isgaarsiinta ee aagga Gofa, oo soo xiganeysa sarkaal maxalli ah, Habtamu Fetena, ayaa sheegtay in 146 qof ay naftooda ku waayeen musiibada.

Habtamu ayaa sheegay in la helay meydadka 96 rag ah iyo 50 dumar ah, isagoo intaa ku daray in baaritaanku uu si xooggan u socdo, wuxuuna ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ee maamulka Gofa ayaa muujinayay dadka deegaanka oo sitay meydadka dadka dhintay oo saran bareelo ka sameysan cooshado, qaarkoodna ay ku duuban yihiin baco.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa aad ugu nugul masiibooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin fatahaado iyo abaaro.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in "qalbigeena iyo ducadeena" ay la garab taagan yihiin qoysaska dhibanayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM