Dad ay caruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Image
Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

NAIROBI, Kenya - Dooni ay la socdeen 77 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur ayaa ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, waxaana ku dhintay 16 qof, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka.

Warbixin ay soo saartay Talaadadii ayay hay'adda Qaramada Midoobay ku sheegtay: "Masiibo doon ku dagtay xeebaha Djibouti oo ay saarnaayeen 77 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan carruur. Ugu yaraan 28 ayaa la la'yahay. 16 ayaa dhintay."

Xafiiska hay’adda ee Jabuuti ayaa xusay in ay maamulka deegaanka ka taageerayaan dadaallada goobidda iyo samata bixinta.

Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah ee badda muddo laba toddobaad gudahood ah.

Muhaajiriin badan ayaa galay safaradan khiyaanada ah ee badda si ay u helaan badbaado iyo nolol dhaanta tan, balse waxa ay la kulmaan musiibo wadada dhexdeeda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM