Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay caasimadda dalka Nigeria

Image
Afhayeenka booliiska Abuja Josephine Adeh ayaa sheegtay in shan qof laga soo badbaadiyay burburka.

NAIROBI, Kenya - Dhisme ku dumay xaafad ka tirsan caasimadda waddanka Nigeria dhamaadkii todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababay geeridda toddobo qof, sidda ay booliisku sheegeen.

Dhismahan oo ku yaalla xaafadda Sabon-Lugbe ee magaalada Abuja, ayaa mar horeba qayb ahaan la dumiyay, waxaana dhismihiisa sii xumaaday kooxo doonaya inay biro iska soo ururiyaan, sida uu sheegay booliiska Abuja Isniintii.

Afhayeenka booliiska Abuja Josephine Adeh ayaa sheegtay in shan qof laga soo badbaadiyay burburka Axadii.

Dhismayaasha dumay ayaa ku soo badanaya dalka Nigeria, iyadoo in ka badan 12 shil oo noocan oo kale ah la diiwaan geliyay labadii sano ee la soo dhaafay.

Maamuladu waxay inta badan ku eedeeyaan masiibooyinkan oo kale inay sabab u tahay guul darradu inay dhaqan geliyaan xeerarka badbaadada dhismaha iyo dayactirka oo liita.

Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, ayaa diiwaangeliyay 22 dhismo oo dumay intii u dhaxaysay Janaayo iyo Luulyo ee sanadkan, sida uu sheegay Golaha Xeerarka Injineerinka ee Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM