Danjiraha Mareykanka ee Niger ayaa markii ugu horeysay booqanayso Niamey

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in Kathleen Fitzgibbon, oo ah safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Niger, ay u safri doonto Niamey, waana markii ugu horeeyay ka dib afgambigii dhacay bishii hore.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Fitzgibbon la filayo in ay timaado Niger dabayaaqada toddobaadkan. Senetka Mareykanka ayaa ansixiyay Fitzgibbon in loo magacaabo danjire dhamaadkii bishii hore, waana xilliga oo afgambigu dhacay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Fitzgibbon ku doonayso in waraqadaha aqoonsigeeda u soo bandhigto hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray, "Waxa ay halkaas u tagi doontaa in ay hogaamiso howlgalka safaaradda xilli xasaasi ah, waxayna taageeri doontaa jaaliyadda Mareykanka ee halkaas ku sugan.

"Safarkeeda kama tarjumeyo isbedel ku yimid mowqifkeena, waxaana taageereyna in la helo xal diblumaasiyadeed oo ixtiraamaya nidaamka dastuuriga ah ee Niger," ayuu raaciyay.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Victoria Nuland ayaa safar ku tagtay dalka Niger, waxayna wadahadal la yeelatay horaantii bishan saraakiisha sarsare ee ciidamada milateriga ee talada la wareegay 26-kii July, balse wax horumar ah kamay samayn kulammadaas oo ay ku tilmaantay kuwoo adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM