Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Image

Ouagadougou – Dowladda militariga ee Burkina Faso ayaa sheegtay fiidnimadii Isniinta inay fashilisay isku day afgambi oo lagu doonayay in lagu abuuro "jahawareer" gudaha dalkaasi Galbeedka Afrika ku yaalla.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maskaxda ka dambeysay afgambiga laga soo abaabulay dalka jaarka la ah ee Ivory Coast.

Madaxweyne Kumeel-gaar ah, Captain Ibrahim Traoré, oo xukunka kula wareegay afgambi militari oo dhacay sanadkii 2022, ayaa marar badan ku eedeeyay Ivory Coast inay hoy u tahay mucaaradkiisa.

Tan iyo markii militarigu xukunka la wareegay bishii Sebtembar 2022, ayaa dowladda ay billowday tallaabooyin adag oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay khatar ku yihiin xukunkeeda, iyadoo lagu eedeeyay afduubyo iyo xarig sharci-darro ah.

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen "inay carqaladeeyaan" xukuumadda. Reer Galbeedka ayaa la sheegay inuu damacsan yahay inuu rido Ibrahim Traore.

Sannadkii la soo dhaafay, militariga ayaa su’aalo weydiiyay dhowr iyo toban sarkaal oo dhammaantood lagu tuhunsanaa inay ka shaqeynayeen in la wiiqo hay’adaha jamhuuriga.

Traoré ayaa bishii Luulyo ee sanadkii hore sheegay in "xarun hawlgal" lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Burkina Faso laga sameeyay magaalada Abidjan, oo ah caasimadda dhaqaalaha ee Ivory Coast.

Tan iyo 2015, Burkina Faso waxay la daalaa-dhacaysay weerarro joogto ah oo ay geystaan kooxo xagjir ah oo lala xiriiriyay Daacish iyo Al-Qaacida, taasoo sababtay in in ka badan 2 milyan qof ay barakacaan, kumannaan kalena ay ku dhintaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM