Dhalinyaro Kenyan ah oo Loo Kaxayn Rabay Dagaalka Ukraine oo La Badbaadiyey

Image

NAIROBI - Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay badbaadiyeen in ka badan 20 qof, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo waday dalka Ruushka, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka socda Ukraine.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xaafadda Athi River ee duleedka magaalada Nairobi, halkaas oo booliisku ka heleen dukumiintiyo safar, waraaqo shaqo, iyo qalab kale oo la xiriira qorista dadka.

Waxaa la sheegay in dadkan loo sheegay in loo qaadayay shaqooyin ku yaalla Moscow, balse ujeeddada dhabta ah ahayd in loo qoro ciidamada Ruushka oo dagaal kula jira Ukraine.

Booliiska ayaa sheegay inay xireen hal qof oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii abaabulayay arrintan, waxaana la filayaa in maxkamad lasoo taago 10-ka maalmood ee soo socda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka la khiyaameeyay laga qaaday lacago gaaraya ilaa $1,500, iyadoo loo sheegay in loo bixinayo mushahar sare iyo adeegyo kala duwan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay wado baaritaan ku saabsan muwaadiniin Kenyan ah oo la sheegay in loo tahriibiyay Ruushka islamarkaana haatan lagu hayo maxaabiis ahaan gudaha Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM