Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Bahir Dar

Image
Ma cadda in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil ciidan iyo wakiilo ka socda dowladda, sida ay ku warrantay Borkena News.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Itoobiya ayaa Sabtidii ku burburtay magaalada Bahir Dar, sida ay sheegtay warbaahintu.

Ma cadda in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil ciidan iyo wakiilo ka socda dowladda, sida ay ku warrantay Borkena News.

Shilkan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke ee magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa warbaahinta Meseret u sheegay in shilku uu dhacay, balse faah faahin dheeri ah lagama bixin.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo waxa sababay.

Waxaa la hakiyay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka soo dagaya magaalada Bahir Dar oo ay ku jiraan kuwa Ethiopian Airlines, sida ay sheegeen rakaabka iyo ilo-wareedyadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM