Diyaarad siday madaxwayne ku xigeenka dalka Malawi oo la la'yahay

Image
Mas'uulkan ayaa u socday ka qeybgalka aaska wasiir geeriyoodey saddex maalmood kahor.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waddankaas.

Diyaaradda Ciidanka Difaaca Malawi ayaa, sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, waxay "ka baxday raadaarka" kadib markii ay ka tagtay magaaladda caasimadda ah ee Lilongwe, subaxnimadii Isniinta.

Diyaaradda ayaa la rabay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu, oo ku yaal waqooyiga dalka, wax yar kadib 10:00 wakhtiga maxaliga ah (09:00 BST).

Khudbad uu jeediyay galinkii dambe ee Isniintii, madaxweyne Lazarus Chakwera ayaa waxa uu ku sheegay in howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay socdaan.

Sababta loo waayay diyaaradda ayaan ilaa hadda la garanayn, sida uu u sheegay General Valentino Phiri Mr Chakwera. Moses Kunkuyu, oo ah wasiirka warfaafinta Malawi, ayaa BBC-da u sheegay in dadaallada lagu baadi-goobayo diyaaradda ay yihiin kuwa "xoog leh".

Mr Chilima ayaa u socday sidii uu dowladda ugu matali lahaa aaska wasiirkii hore ee Xukuumadii Ralph Kasambara oo geeriyooday saddex maalmood ka hor.

Sanadkii 2022, Dr Chilima ayaa loo xiray inuu aqbalay lacag uu ugu beddelayo bixinta qandaraasyada dowladda. Bishii hore, maxkamaddu waxay laashay dhamaan eedeymihii, iyadoo aan la sheegin sababaha go'aankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM