Doon Siday Muhaajiriin Itoobiyaan ah oo Ku Degtay Xeebaha Yemen, In Ka Badan 140 Qof oo La La’yahay

Image

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa sheegtay in doon ay saarnaayeen 154 muhaajiriin Itoobiyaan ah ay ku degtay xeebaha dalka Yemen aroortii Axaddii, taasoo keentay musiibo bini’aadanimo oo kale.

Abdusattor Esoev, madaxa IOM ee Yemen, ayaa sheegay in kaliya 12 qof la badbaadiyay, halka 142 kale loo maleynayo inay dhinteen. Ilaa iyo hadda waxaa la helay in ka badan 68 meyd, kuwaas oo intooda badan laga helay xeebta Khanfa ee galbeedka Yemen. Maamulka ammaanka gobolka Abyan ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgallo ballaaran oo badbaadin iyo raadis ah, maadaama ay khasaaruhu aad u tiro badan yihiin.

Sanad kasta, kumannaan muhaajiriin ah — intooda badan Itoobiyaan — ayaa uga tallaaba Badda Cas Yemen iyaga oo raadinaya shaqo iyo nolol ka wanaagsan dalalka Khaliijka. Balse waddada loo yaqaan "Eastern Route" ayaa ah mid halis badan, waxaana muhaajiriintu la kulmaan rabshado, tacaddi iyo xaalado dhimasho keeni kara, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Mixed Migration Centre.

Bishii Maarso, afar doon oo kale ayaa ku degtay biyaha u dhexeeya Jabuuti iyo Yemen, waxaana la la’yahay 186 qof. Hay’adda IOM waxay xaqiijisay in ilaa hadda 550 muhaajiriin ay ku dhinteen jidka Yemen sanadka 2024, taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee la diiwaan geliyo. Colaadda sokeeye ee ka socota Yemen ayaa sii xumeysay xaaladda, iyadoo firaaqa amni uu fursad siinayo kooxaha tahriibka iyo ganacsiga dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM