Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Image

Goobaha codbixinta ee dalka Gabon ayaa la xiray Sabtidii kadib doorashadii madaxweynaha ee ugu horreysay tan iyo afgambigii milatari ee dhacay bishii Agoosto 2023, waxaana si weyn la filayaa in Brice Oligui Nguema, hogaamiyaha golaha ku-meelgaarka ah ee talada haya, uu ku guuleysto doorashadaas.

Nguema, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Madaxtooyada (Republican Guard), ayaa afgambi ku qabsaday talada isagoo meesha ka saaray madaxweynihii hore Ali Bongo Ondimba. Bishii September 2023, wuxuu isku magacaabay Madaxweyne ku-meel-gaar ah.

Nguema wuxuu ololihiisa ku saleynayay la dagaallanka musuqmaasuqa, isagoo sidoo kale ballan qaaday inuu dalka ka bixin doono xukunka muddo dheer soo jiray ee reer Bongo, oo ay madax ka ahaayeen Omar Bongo iyo wiilkiisa Ali Bongo, kuwaas oo wadanka xukumayay muddo ka badan 50 sano.

Doorashadan ayaa ahayd mid si weyn loo sugayay, waxaana Oligui uu horay u sheegay inuu rajeynayo “guul taariikhi ah”. Markii uu codkiisa dhiibanayay isaga iyo xaaskiisa Zita, wuxuu yiri: "Waan ku kalsoonahay, ha guuleysto ninkii ugu mudnaa."

Musharaxa ugu weyn ee la tartamaya Oligui waa Alain Claude "Bilie" By Nze, oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka kahor afgambiga. Nze ayaa isu arka inuu yahay musharaxa isbedel buuxa doonaya, isagoo ku eedeeyay Oligui Nguema inuu sii wadayo xukunkii reer Bongo.

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

Waxaa la sheegay in ku dhowaad 920,000 qof ay u diiwaangashanaayeen codbixinta, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in ka qeybgalka doorashada uu gaaray 87.12%.

Natiijooyinka horudhaca ah waxaa la filayaa in la shaaciyo Axadda. Cidda guuleysata waxay heli doontaa xilka madaxweynenimo muddo toddobo sano ah, waxaana jirta fursad dib loogu cusbooneysiin karo hal mar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM