Dowladda Congo oo ka falcelisay warar sheegaya in ciidamda ay la wareegeen talada dalka

Image

BRAZZAVILLE, Congo - Wasiirka isgaarsiinta iyo afhayeenka xukuumadda ee Congo-Brazzaville ayaa beeniyay jiritaanka wararka sheegaya in afgambi militari xilka looga tuuray madaxweyne Denis Sassou Nguesso, oo dalka xukumayay 26 sano.

Waxaa baraha bulshada ku wareegayay warar ku saabsan isku day afgambi ee ka socda Congo-Brazzaville ee ka dhanka ah madaxweyne Denis Sassou Nguesso.

Wasiir Thierry Mongalla ayaa ku sheegay boggiisa gaarka ah ee “X” fiidnimadii Axadda: “Dowladdu way beenisay wararkaas xanta ah, waxayna xaqiijinaysaa inuusan jirin afgambi militari oo ka dhacay Brazzaville."

Tani waxay ku soo beegantay xilli Afrika ay ka socdaan afgambiyo badan oo ka qabsoomay dalalka Mali, Burkina Faso, Niger, iyo ugu dambeyntii Gabon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM