Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Image

ADDIS ABABA - Dawlada Itoobiya ayaa xaqiijisay inuu dalka ka dhacay kiisaskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg Virus Disease, kaddib markii sagaal kiis lagu soo sheegay gobolka koonfureed ee Omo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Jimcadii ammaan u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyo hay’adaha kale ee caafimaadka, isaga oo ku bogaadiyay “falcelin degdeg ah oo hufan” oo ay ka bixiyeen cudurka.

“Tallaabadan degdegga ah waxay muujinaysaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay inay si dhaqso leh xakameyso faafitaanka cudurka,” ayuu Tedros ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan “kiisas looga shakisan yahay xumad dhiigbaxa fayraska” oo laga diiwaan-geliyay koonfurta dalka.

Cudurka Marburg wuxuu ka tirsan yahay qoyska Filoviridae, isla kan uu ku jiro fayraska Ebola, waxaana lagu tilmaamaa inuu mararka qaar ka sii daran yahay Ebola. Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC) ayaa ku tilmaamtay “xanuun naadir ah balse aad u halis badan” oo keeni kara dhimasho.

Fayrasku wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa dameeraha miraha cuna ee Masar, waxaana uu dadka u dhex maraa marka la taabto dheecaannada jidhka qofka bukaan ah ama agabyada wasakhaysan sida dharka ama busteyaasha.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, finan, iyo dhiigbax daran. Ma jiro daawo gaar ah ama tallaal loo hayo cudurka Marburg, iyadoo daaweyntu ku kooban tahay daryeel taageero ah sida nasashada iyo biyo-baxa (hydration).

Kiisaska Itoobiya ayaa laga soo sheegay gobolka Omo ee Koonfurta, oo xuduud la leh Koonfurta Suudaan. Agaasimaha Guud ee Africa CDC, Dr. Jean Kaseya, ayaa khamiistii sheegay inay tani tahay arrin walaac leh maadaama “Koonfurta Suudaan aysan ka fogayn, islamarkaana ay leedahay nidaam caafimaad oo jilicsan”.

Waqtigan, dal kale oo Afrikaan ah lagama soo sheegin kiisaska cudurka Marburg toddobaadyadii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM