Dowladda Nigeria oo lagala wareegay saddex diyaaradood

Image
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay ku hayso khilaaf kala dhexeeya shirkad laga leeyahay Shiinaha.

ABUKJA, Nigeria - Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa la wareegtay saddex diyaaradood oo ay leedahay dowladda Nigeria xilli uu jiro muran muddo soo jiitamayay kaasoo kala dhaxeeyay shirkad laga leeyahay Shiinaha.

Khilaadkan ayaa salka ku haya qandaraas 2007 dhacay kaas oo u dhexeeyay Shirkadda Zhongshan Fucheng ee Maalgelinta Warshadaha iyo Shirkadda Ogun State.

Qandaraaska ayaa ku saabsanaa hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah halkaas oo beerta weyn ee warshadaha la doonayo in la horumariyo si ay u soo jiidato maalgashadayaasha.

Heshiiska ayaa la joojiyay intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016. Sida laga soo xigtay Financial Times, Zhongshan waxay sheegtay in lagu qasbay in laga baxo heshiiska iyada oo loo marayo "olole falal sharci darro ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM