Duqeyn lagu laayay Muhaajiriin ku xirnaa xero ku taalla Libya
TRIPOLI - Ugu yaraan 44 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu dilay, 130 kalena way ku dhaawacmeen duqeyn dhanka cirka ah oo lagu beegsaday xero ay ku xirnaayeen dad tahriib ah bariga dalka Libya.
Xerada la weeraray ayaa ku dhaw saldhig military oo ku yaalla xaafadda Tajoura ee duleedka magaalada Tripoli, ee caasimadda wadanka ay colaadda la degtay ee Libya.
Muhaajiriinta oo aan walal dalalka kasoo jeedaan la shaacin ayaa loo maleynayaa inay u badan yihiin African, kuwaasoo isku dayay inay ka tahriibaan xeebaha Libya, iyagoo doonayay inay gaaraan Yurub.
Xerada Tajoura waxaa ku xirnaa in ka badan 600 oo qof, waxaana saraakiisha hay’adda IOM sheegeen inay u badan yihiin muwaadiniin Soomaali, Sudan iyo Eritrea kasoo jeeda.
Dhinacyada isku soo horjeeda ee dalka Libya, sida dowladda iyo Mucaaradka ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarka muhaajiriinta lagu laayay.
Laakiin, waxaa xusid mudan in goobta la duqeeyay ay tahay meel dowladda ay ku xirta dadka muhaajiriinta ah ee dalkaasi sida sharci darrada ah ku galay, islamarkaana doonaya inay u gudbaan dalalka Yurub.
Weerar oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxay IOM sheegtay in dadka la dilay ay ku jireen xaruur iyo haween, kuwaasoo qeyb ka ahaa boqolaal xerada lagu hayay mudo billooyin ah.
Libya ayaa ka taagan colaad sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuurey dowladdii mudada dheer dalkaasi soo xukumaysay ee uu hogaaminayay Muammar Gaddafi sanadkii 2011.
Muxuu wali Dagaal uga socdaa Libya?
Ma jirto cid si buuxda gacanta ugu haysa maamulka dalka, waxaana taasi ka dhigtay mid aan xasilooneyn, oo u kala qeybsan dhinacyo isku soo horjeeda, oo xukunka ku diriraya.
Waxaa ugu awood badan Gen Khalifa Haftar iyo dowladda ay Qaramada Midoobey taageersan tahay ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Tripoli.
Saddexdii bilood ee lasoo dhaawayay waxaa duulaan ku ahaa Tripoli malleeshiyaadka Gen. Khalifa Haftar oo isku magacaabey inuu yahay taliyaha ciidanka qaranka Libya.
Khalifa Haftar ayaa ku firfircoonaa siyaadda Libya mudo ka badan 40 sano, isagoo ahaa nin aad ugu dhawaa Qadaafi, balse uu khilaaf soo kala dhexgalay 1980, taasoo ku qasabtay inuu u cararo Mareykanka oo mudo ku noolaa.
Kadib markii uu kusoo laabtay Libya 2011, xilligaasi oo kacdoon ka dhan ah Qadaafi uu ka socday, wuxuu saldhig ka sameystay bariga dalkaasi, isagoo taageero ka helayay Faransiiska, Masar iyo Imaaraadka.
Shacabka Libya ayaa dareen kala duwan ka qaba Khalifa Haftar, qaarkood aad ayay u neceb yihiin, maadaama uu xiriir la lahaa Qadaafi, halka kuwa kale ay ku taageereen inuu la dagaalamay kooxaha mintidiinta dalkaasi, sida Daacish.
Muhaajiriinta oo u nugul colaadda Libya
Kooxaha wax tahriibiya ayaa lacago badan ka sameeya dadka ay ka tahriibiyaan xeebaha Libya, iyagoo ka faa’idaysanaya fowdada siyaasadeed ee ka jirta wadanka dhaca waqooyiga Africa.
Hay’adaha xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in xaaladda aad u khatar ah ay muhaajiriinta ku wajahayaan xeryaha lagu hayo ee Libya, iyagoo la kulma jirdil iyo tacadiyo kale oo Kufsiga kamid yahay.
Midowga Yurub ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in muhaajiriinta lagu hayp gudaha Libya, iyadoo doomaha ay raacaana mararka qaar laga soo celiyaha xeebaha kahor inta aysan gaarin Talyaaniga.
GAROWE ONLINE