Duuliye weerar la maleegaya Al-Shabaab oo lasoo bandhigay
NAIROBI, Kenya – Hay'adaha amniga Kenya waxay ka codsadeen dadweynaha inay si mutadawacnimo ah u helaan macluumaad horseedi kara in la xiro lana maxkamadeeyo Rashid Mwalimu oo ay baadi goobayaan booliska gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, sida ay warisay saxaafada.
Sida lagu sheegay bayaan loo diray warbaahinta, Mwalimu oo hadda ku sugan Soomaaliya waxaa lagu sifeeyay "nin hubeysan oo khatar ah iyo duuliye tababaran oo waajibaadkiisu yahay in uu howlgal diyaaradeed fuliyo isagoo matalaya xoogaga Al-Shabaab".
Hay'adaha amniga ee gal-dacwadeedka Mwalimu gacanta ku haya ayaa rumeysan "inuu isku dayi doono inuu dib ugu soo laabto Kenya".
Baaritaan lagu sameeyay ku lug lahaanshihiisa kooxda argagaxisada ah ayaa shaaca ka qaaday "inuu tababar ku qaatay dalka Filibiin isagoo duuliye la ah lana socday Cholo Abdi Abdulla oo hada ku jira xabsi sharci ah".
Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Citizen Tv ee waddanka Kenya in Cholo iyo Mwalimu ay saaxiibo dhow ahaayeen kuna biireen Al-Shabaab sanadkii 2015.
Labadan shaqsi ayaa wada tababartay isla markaana fuliyay weeraro ka dhacay Soomaaliya ka hor inta aan loo dirin keynta Boni halkaas oo looga soo xulay koorso duulimaad iyadoo lagu saleynayo aqoontooda dhanka duulimaadka, sidda ku cad warbixinta hay’addaha sirdoonka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay inay saaxiibo dhow ahaayeen hogaamiyaha weerarkii DusitD2- Salim Gichunge (Faruq) iyo Osman Geedi oo kamid ahaa dableyda qaadey falkaas geerida badan dhabaha u xaarey.
Iyaddoo Gichunge iyo Gedi loosoo xushay weerarka Kenya, labada kale waxaa, sidda ku cad xogta, loo qorsheeyay in ay bartaan qaabka loo afduubo diyaaradaha.
Cholo waxaa lagu qabtay bishii juulaay 2019 wadanka Filibiin, isaga oo kamid ahaa ardayda wax ka barata akadeemiyada duulimaadka All-Ais.
Sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in Cholo oo wajahaya lix (6) dambiyo la xiriira argagixisanimo oo ka dhashay howlihiisii xubinnimada Al Shabaab, uu qorsheynayay inuu afduubto diyaarad isla markaana uu fuliyo weerar lamid ah kii 9/11 ee Mareykanka.
Intaas waxaa wehlisa oo dheeraad ah, warar muujinaya in Cholo uu ugu socdaalay Filibiin iyaddoo dhaqdhaqaaqiisa aysan ka war hayn laamaha amniga.
Si kama ah, Cholo ayaa isku riday dabinka ka gedaal markii qaar kamid ah saaxiibadiis wax la barta uu u sheegay damaciisa in uu afduubto diyaarado waxay boolisku u sahashay in ay xabsi u taxaabaan.
Markii la qabtay, saaxiibkiis Mwalimu wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, sida laga soo xigtay hay'adaha amniga Kenya, oo intaas ku daray in uu halkaas ku qorsheynayo in uu "ka dhabeeyo riyadiisa qalafsan".
"Qeybaha kala duwan ee bulshadda waxaan ku boorineynayaa in ay sii wadaan la shaqeynta hay’addaha ammaanka si aan u fashilino falalka argagixiso ee qorsheysan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Booliska gaarka ah La Dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya.
GAROWE ONLINE