ECOWAS oo ka go'aan gaari doonta faragelinta militari ee Niger

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Madaxda ugu saraysa Ururka ECOWAS ayaa Khamiista iyo Jimcaha ku kulmi doona Ghana si ay uga hadlaan suurtagalnimada faragelin milateri oo lagu sameeyo Niger, sida ay ilo-wareedyo milateri iyo kuwo siyaasadeed u sheegeen AFP.

Kulanka ayaa lagu waday inuu dhaco sabtidii hore, balse dib ayaa loo dhigay “sababo farsamo” awgeed.

Waqtiga cusub ee la qoondeeyey in uu ku qabsoomo shirkan ayaa ku soo beegamay todobaad ka dib markii hogaamiyayaasha Urur goboleedka ECOWAS ay go’aansadeen in la howlgeliyo ciidamada kaydka ah, ka dib afgambigii 26-kii.

Dalal dhowr ah oo ka tirsan ururka ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay ciidamo u diraan Niger, sida Ivory Coast.

ECOWAS oo madaxtinnimadeeda wareegtada ah ay hadda hayso Nigeria, ayaa xaqiijisay rabitaankeeda ah inay u maraan khilaafka taagan jidka "diblomaasiyadeed" ka hor inta aysan qaadin tallaabo kasta oo kale.

Dhowr urur siyaasadeed, diimeed iyo bulshada rayidka ah, ayaa ku baaqay in laga fogaado faragelin milateri, iyaga oo ka cabsi qaba in ay sii xumaanayaan xasaradaha ka jira galbeedka Afrika, oo ay ku sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha jihaad doonka ah.

Golaha milatariga Niger ayaa dhawaan isku raacay in ay qaabilaan wafdi ka socda culimada Muslimiinta Nigeria. Wafdigan ayaa sheegay in taliska militariga oo u xaqiijiyay inay diyaar u yihiin in xiisada lagu xaliyo qaab diblumaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM