ECOWAS oo wadahadal "miro dhal ah" la yeeshay madaxdii afgambiga Niger

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Madaxweynihii hore ee Nigeria Abdessalam Abuubakar ayaa maanta oo Talaada ah ku tilmaamay kulan oo la qaatay madaxda afgambiga Niger mid "Miro Dhal ah".

Abdessalam Abuubakar ayaa hogaaminayay wafdi ka socday Ururka ECOWAS ee u safray dalka Niger, si ay wada xaajood ula galaan hogaamiyayaashii afgambiga horaantii todobaadkan.

"Booqashada waxay ahayd mid miro dhal ah," ayuu yiri Abdessalam Abuubakar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Waxuuna intaasi raaciyay inuu rajaynayo in xiisadda lagu xaliyo qaab Diplomaasiyadeed.

Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaan faahfaahin ka bixin.

Arrintan ayaa timid saacado ka dib markii ururka ECOWAS oo ay ku mideysan yihiin 15 dal ay diideen soo jeedin ka timid taliska afgambiga Niger oo ahaa in doorasho lagu qabto 3 sano gudaheed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM