El Sisi iyo Macron kawada hadlay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Madaxwayneyaasha Masar iyo Faransiiska ayaa yeeshay wadaxaajood dhanka telefoonka ah.

QAAHIRA, Masar - Madaxwayneyaasha Masar iyo Faransiiska oo khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in Masar ay si firfircoon uga shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri lahayd xaqiijinta amniga iyo xasiloonida, ha noqoto iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ay codsato.

Cabdalfataax Al Sisi ayaa Emmanuel Marcon waxa uu u sheegay in Masar ay dano ka leedahay heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.

Sisi waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskani uu ka qayb qaadan doono horumarinta amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, lana waafajin doono mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Wuxuu hoosta ka xariiqay intii uu socday baaqa xiriirka dhow ee ka dhaxeeya ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar.

Horaantii bishaan, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo heshiis ay dhexdhexaadineysay Ankara.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaysay tan iyo bishii January, taas oo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Heshiiskan oo u ogolaanaya Itoobiya inay hesho awood badda ah oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland, ayaa waxa si weyn uga soo horjeestay Soomaaliya oo ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah xuquuqdeeda madaxbannaanida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM