Erdogan oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada ku dagaalamaya Sudan

Image

KHARTOUM - Taliyaha ciidamada dalka Sudan Jeneraal C/fitaax Al-Burhaan ayaa soo dhaweeyay doorka dhex-dhexaadinta Turkiga ee lagu xalinayo colaada 20-ka bilood ah ka socota dalkaas.

Horaantii bishii hore, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Al-Burhaan isagoo la wadaagey kaalinta Turkiga ee "nabad iyo xasillooni" waddanka Sudan ee dagaalladu aafeeyeen.

Kulan ka dhacay magaalada Port Sudan Sabtidii ayuu Al-Burhaan ka codsaday wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Turkiga Burhanettin Duran inuu waan-qaanta gaarsiiyo dhinaca kale mucaaradka.

"Sudan waxay u baahan tahay walaalo iyo saaxiibo sida Turkiga," ayuu yiri Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sudan, isagoo intaas ku daray "in hindisaha Erdogan uu horseedi karo dhinacyada dagaalka u dhaxeeya si looga shaqeeyo xaqiijinta nabadda Sudan.

Bishii la soo dhaafay, dowladda Sudan ayaa ku eedeysay RSF-ta inay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen qeybo kamid ah Sudan.

Maxamed Xamdaan Dagallo oo hogaamiya Ciidamada Dacma-sariic ama RSF-ta ayaa dagaal kula jira Al-Burhaan, waxaana labada Jeneraal oo horey u riday dowladdii Cumar Xasan Al-Bashiir isku hayaan awoodda Sudan.

Bishii hore, Edogan ayaa Ankara ku heshiisiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, iyagoo ku saxiixay halkaasi heshiis lagu soo afjaray xiisadda ku dhawaad hal sano u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysay heshiiskii badda ee lala galay Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM