Erdogan oo telefoon kula hadlay Abiy Axmed kahor shirka Ankara

Image
Turkiga ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya..

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradka badda ee Somaliland.

Madaxweyne Recep Tayib Erdogan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kahor kulanka sida weyn isha loogu hayo

Erdogan ayaa sheegay in talaabooyinka Addis Ababa ay ku wajahayso walaaca la xiriira midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ay fududeyn doonto geedi socodka heshiiska.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maraya meel hoose iyadoo Dowladda Federaalka safiirka Itoobiya ceyrisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM