Eritrea oo Si Rasmi ah Uga Baxday IGAD, Eedeymo Cusubna Jeedisay

Image

Asmara, Eritrea — Dowladda Eritrea ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Urur Goboleedka IGAD in ay ka baxayso ururka, sida uu Jimcihii sheegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aanka ka bixitaanka uu ka dhashay “ku fashilanka IGAD ee waajibaadkeeda” iyo sida ay u adeegsato ururka, iyadoo lagu eedeeyey in uu u adeegay dano ka dhan ah dalal xubno ka ah, gaar ahaan Eritrea.

Eritrea ayaa xustay in ay door muhiim ah ka ciyaartay dib-u-habayntii IGAD ee 1993, isla markaana ay la shaqeyn jirtay dalalka xubnaha ka ah si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.

Hase yeeshee, wasaaradda ayaa sheegtay in jihada IGAD ay isbeddeshay tan iyo 2005, iyadoo eedeysay in ururku noqday “qalab loo adeegsado beegsiga dalal gaar ah.” Arrimahaas ayaa sababay in Eritrea ay joojiso ka mid ahaanshaha ururka 2007.

Asmara ayaa dib u soo celisay xubinnimadeeda June 2023, iyada oo rajaynaysay in IGAD ay qaado dib-u-habayn lagama maarmaan ah oo ay saxdo khaladaadkii hore. Laakiin war-saxaafadeedku wuxuu sheegay in IGAD “ay weli ku guuldarreysanayso fulinta waajibaadkeeda,” taasoo hoos u dhigtay muhiimaddeeda iyo sharciyaddeeda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Eritrea “ay ku qasbanaatay” in ay ka baxdo urur aan wax faa’iido ah u hayn dalalka xubnaha ka ah, isla markaana aan wax ka tarayn xasilloonida gobolka.

Dhinaceeda, IGAD ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka Eritrea ee ka bixitaanka ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM