Eritrea: Wasiir loo xiray mucaaradnimo oo xabsi ku dhex-dhintay
NAIROBI, Kenya - Berhane Abrehe - wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, aadna u dhaliili jiray madaxweynaha dalkaas - ayaa ku dhintay xabsiga, sida ay sheegeen qoyskiisa.
79-jirkan ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheeraa Eritrea, balse waxaa xilka laga qaaday sannadkii 2012-kii kaddib markii ay isku dhaceen madaxweyne Isaias Afwerki.
Lix sano ka dib ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu soo saaray buug uu ku sheegay in madaxweynaha uu yahay keligii taliye u baahan in uu is casilo.
GAROWE ONLINE