Eritrea oo "la baxeysa" ciidankii ay ku daabushay Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul wasaraha dowladda Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyey ciidamada Eritrea ee dagaalka shanta bilood ka socday deegaanka Tigraay ka qayb qaatay iney deegaankaasi ka baxayaan.

Ciidamada Eritrea ayaa garab weyn u ahaa dagaalka ay ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ku qaadeen xoogagga TPLF ee deegaankaasi ka arriminayey.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen dagaalkaasi kumannaan qof iney ku dhinteen. Balse dhanka Eritrea kama soo bixin wax xaqiijinaya iney ciidamadeeda deegaanka Tigraay kala baxeyso.

Ciidamada Eritrea iney ku sugnaadaan gudaha Itoobiya waxaa ka dhalatay hadal hayn maadaamaa labadaasi dal ay ahaayeen labada dal oo uu dhex maray dagaal xududdedd aad u culus.

Dagaalka labada dal u dhaxeeyey oo soo afjarmay marka uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Abiy Axmed sanadkii 2018-kii tallaabadaasi oo uu ku muteystay abaalmarinta nabadda caalamiga ee Noble Peace Prize.

Dagaalka deegaanka Tigraay wuxuu billawday bishii November 2020-kii kaddib marki ay xoogagga TPLF ay weerar ku qaadeen kaddibna qabsadeen saldhigga waqooyi ee ciidamada fedelaaka ay ku lahaayeen deegaanka Tigraay.

Xisbiga TPLF oo deegaanka Tigraay maamulayey awooddi siyaasadeed ee ay dalka iyo deegaankaasiba ku lahayeen ayaa hoos u dhacday kaddib marki uu Abiy Axmed uu xilka qabtay, iyaga oo ku doodayey nidaamka federaalka iyo doorkii ay dowladda dhexe ku lahaayeennba in la wiiqay.

Abiy Axmed oo booqasha ku tagay magaalada Asmara ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay "Eritrea iney oggolaatay cidamadeeda ku sugan xadka Itoobiya ku sugan iney la baxdo", balse ma sheegin xilliga ay la baxeyso askarta.

Qiraalkan wuxuu horudhac u noqon karaa shaacinta xaqiiqooyin kale oo ay kamid tahay in askar Soomaali ah oo tababar loo geeyay Eritrea ay ka qeybgaleen howlgalka maamulka Abiy ee Tigray halkaas ku naf-waayeen.

GO + BBC

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM