Faransiiska oo ku amray safiirkoodii in uu sii joogo Niger

Image

NIAMEY, Niger - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday maanta in madaxada ka dambeysa afgambiga Niger "aysan lahayn awood" ay ku cayriyaan safiirka Faransiiska ee ku sugan Niamey.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay, "Waxaan si joogto ah u qiimeyneynaa badqabka shaqaalaha safaarada iyo xaaladaha ay ku shaqeyso."

Ciidamada Milatariga ee talada dalka Niger la wareegay bishii hore ayaa sheegay in safiirka Faransiiska u fadhiya Niger Sylvain Eit uusan hadda heysan xasaanad dublamaasiyadeed, booliskana lagu amray inay dalka ka saaraan.

Jimcihii, golaha militariga ayaa ku amray safiirka inuu dalka uga baxo 48 saacadood gudahood, taasoo jawaab u aheyd falalka ay ku kacday dowladda Faransiiska, oo ay ku sheegeen inay ka hor imaanayaan danaha Niger.

Goluhu wuxuu bayaan uu soo saaray 29-kii August ku sheegay in la joojiyay fiisihii Safiirka iyo qoyskiisa. Waxaana xaqiijiyay dhab-ahaanshiyaha hadalkaas Sarkaal u hadlay golaha milateriga

Goor sii horreysay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in safiirku uu sii joogi doono Niger in kasta oo uu cadaadis kala kulmay golaha milateriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM